Sarkaal DF ka tirsan oo Muqdisho lagu dilay,gaarigiisana horay loo kaxeystay

0

Kooxo hubeysan ayaa goordhow waxay  Xaafada Siigaale ee degmada Hodan ku dileen Wiil Dhalinyaro ah oo watay Gaari nooca raaxada ah.

Ragga hubeysan ayaa la sheegay inay wateen Mooto Bajaaj,islamarkaana ay dileen Nin lagu Magacaabi jiray Maxamed Mursal kana mid ahaa ku xigeenada  Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka.

Wararka kale aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in raggii dilkaasi ka dambeeyay ay horay u sii wateen Gaari nooca raaxada ah oo uu watay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay  wallow aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

You might also like More from author

Leave A Reply