Wasiiro ka soo goostay Somaliland oo soo gaaray Muqdisho+(Wax badan ka Ogow Ujeedkooda)

0

Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray afar Qof oo ka tirsanaa Xukuumaddii Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ee Maamulka Somaliland iyo dad kale oo la socda.

Wasiirrada hore ayaa la sheegayaa in ay shalay soo gaareen Magaalada Muqdisho,kuwaas oo aan la sheegin sababta ay u socdaan.

Magacyada xubnaha ka socda Somaliland ee soo gaaray Magaalada Muqdisho waxaa ka mid ah; Xasan Daahir Dhimbil oo horay u ahaa wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Caamaadka Maamulka Somaliland, Khadar Axmed Diire Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda Caddaaladda, waxaa kale oo dadkan ka mid ah Axmed Keyse Guray oo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland soo noqday.

Shaqsi kale oo isna la xaqiijiyay in uu wasiirradii Siilaanyo ka mid ahaa hayeeshee aan magaciisa la xaqiijin ayaa ka mid ah,waxaa kale oo ku wehliya xubno u badan dhallinyaro oo u soo wareegay Muqdisho.

Magaalada Muqdisho todobaadyadii la soo dhaafay waxaa laga hadal hayay isku shaandheyn lagu sameynayo Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

You might also like More from author

Leave A Reply