Maxaa Gaadiidleyda loogu diiday Dekadda Muqdisho?

0

Qaar kamid ah Milkiilayaasha gaadiidka waawayn ee  ka shaqeeya Dekadda Muqdisho ayaa sheegay in gaadiidkooda loo diiday Dekadda Magaaladda Muqdisho.

Gaadiidlayda oo warbaahinta muqdisho kula hadlay ayaa sheegay Mudo 5 sano ah in gaadiidkooda loodiiday inuu kashaqeeyo Dekada.

Waxa ay dowlada federalka somaliya ku eedeeyeen, inaysan waxba ka qaban dhibaatada muddada  soo jiitamaysay, oo soo bilaabatay dowladii hore,balse ay kasii darayso waqtigaan.

Dowlada ayay tilmaameen inay shaqsiyaad u gacan galisay mamulka Dekadda muqdishio, kuwaas oo ay sheegeen inay lacago xad dhaaf ah ka qaadaan gaadiidka galaya dakada.

Cabdullahi Cali Faarax Cunaaye, oo ah afhayeenka gaadiidlayda dhiban  ayaa warbaahinta u sheegay in qudhiisa ay wasaaradu siisay shati kadibna ay dib uga ceshatay.

Waxay sheegeen inay cabashada ugu badan ay ka yihiin wasaaradda gaadiidka dowlada federalka somaliya iyo shaqsiyaad ay u dhiibtay mamulka dakada muqdisho.

Afhayeenka ayaa sheegay inay geerishyada muqdisho ay yaalaan Gawaari fara badan  oo loodiiday inay ka shaqeeyaan dakada muqdisho,qaarkoodna waxay warbaahinta u sheegeen in  loo sheegay in gaadiidkooda uusan shaqaynkarin oo ay sheegeen inaysan garanayn waxa loola jeedo.

You might also like More from author

Leave A Reply