Sarkaal ka tirsan Maamulka Hirshabeelle oo caawa lagu dilay Baladweyne

0

Wararka naga soo gaarayo magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in caawa fiidkii Kooxo ku hubeysnaa bustoolado ay Magaaladaasi ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Waaxda Maaliyadda Gobolka Hiiraan.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Cismaan Cali Maadeey (Ganeey),waxana dilkiisa uu ka dhacay agagaarka Aargada Sheekh Xasan Barsame oo ka tirsan Xaafada Howl-Wadaag ee Magalada Baladweyne.

Dad ku sugan Baladweyne ayaa waxay sheegeen in dadkii ka dambeeyay dilkaas ay goobta ka baxsadeen,isla markaana Meydka Sarkaalka la dilay ay goobta ka qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa booliska Baladweyne.

You might also like More from author

Leave A Reply