Kooxo hubeysan oo weerar dhimasho & dhaawac sababay ka geystay deegaanka Goldogon

0

Wararka ka imanaya degaanka Galdogob ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in ugu yaraan hal qof uu geeriyooday halka 4 kalena ay ku dhaawacmeen.

Khasaarahan ayaa ka dhashay weerar ay geysteen koox hubeysan oo weerar ku qaaday xarun Ganacsi oo ku taalla Degaanka.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya cidda ka dambeysa weerarkaas,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in uu falkaasi la xiriiro aano qabiil.

Degaanka Galdogob waxaa ka taagan khilaaf la xiriira dhinaca dhulka oo ay isku heystaan dadka degaanka wada dega.

Ciidamada amaanka Puntland ayaa sheegay in ay baaritaan ku hayaan weerarka xalay ka dhacay Galdogob.

You might also like More from author

Leave A Reply