SAWIRRO: Wasiir amniga Hirshabeelle oo hortagay Guddiga A/Gudaha & Amniga Golaha Aqalka sare & Su’aalo kulul oo la weydiiyay

0

Guddiga arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixin kooban oo ku aadan xaaladda amni ee deegaanada Hirshabeelle iyo arrinta ka bixitaanka Ciidanka AMISOM ee maalmahan sida weyn loo hadal hayay ka dhageystay Wasiirka amniga

Maamulka Hirshabeelle C/qaadir Aadan Jeelle.

Wasiirka amniga Maamulka Hirshabeelle C/qaadir Aadan jeele oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee Golaha Aqalka sare uu warbixin ka siiyay in ciidamo ka tirsan AMISOM ay ka baxayaan deegaano ka tirsan degmooyinka Raage-ceele iyo Cadalle oo ka wada tirsan Gobolka Shabeellaha dhexe.

Wuxuuna Wasiirka sheegay in xilligan aysan xamili Karin in qaar ka mid ah Ciidanka AMISOM ka baxaan Gobolka Shabeellaha dhexe kuna soo aadiyeen xilli aan loo baahneyn.

Senator Cismaan Maxamed Macoow oo ka hadlay warbixinta ay ka dhageysteen Wasiirka ayaa sheegay in arrintaasi muhiim tahay ayna kala hadli doonaan Hay’adaha ay quseyso iyo Madaxda Qaranka.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed waare oo Muqdisho kula kulmay Madaxa Howlgalada Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa kala hadlay qorshaha uu wado Midowga Afrika ee la doonayo in 28-ka bishan dalka looga saaro 1,000, Madaxweyne Waare, ayaana u sheegay madaxda midowga Africa arintaaan in ay tahay mid xanuun badan in Ciidamada Burundi oo badankooda ka howlgala Sh/Dhexe in dalka laga saaro.

You might also like More from author

Leave A Reply