Dab xooggan oo ka kacay Kaam Barakac oo ku yaalo duleedka Muqdisho & Khasaaro ka dhashay

0

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab xoogan oo saaka ka kacay xero barakac oo ku taalla waaxda 1-aad degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Dabka ayaa la sheegay in uu qabsaday Guryo oo cooshado ka sameysay oo ku yaalla Kaamkaasi.

Khasaare hantiyadeed ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhashay dabkan, walow aan la xaqiijin inta uu la’egyahay.

Ma cadda illaa iyo hadda waxa dhaliyay dabkaasi, balse waxaa lagu guuleystay in la damiyo.

Qof goobjooge ah oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay ayaa sheegay in dabka uu baabi’iyay guriga,wuxuuna hadalkiisa intaasi ku daray in wax khasaare nafeed ah jirin.

You might also like More from author

Leave A Reply