XOG+FIIRSO: Lafta gareen oo Muqdisho ka bilaabay qorshe lagu soo deynayo Mukhtaar Roobow+(Kulamo socda)

0

Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa inuu Muqdisho ka wado kulamo uu la qaadanayo Madaxda ugu sareysa dalka.

Sida wararka aan ka heleyno socdaalka Muqdisho ee madaxweyne Lafta gareen ayaa daaran sidii xoriyadiisa dib ugu heli lahaa Wadaadka horay uga tirsanaan jiray Al-Shabaab ee hadda u xiran Dowladda Sheikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Madaxweyne Lafta gareen ayaa cadaadis iyo culeys siyaasadeed durba kala kulmay waxgaradka Koonfur Galbeed gaar ahaan Beesha uu ka soo jeedo Mukhtaar Roobow oo ku aadan inuu ka shaqeeyo sidii loo soo sii deyn lahaa Wadaadka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay wadaadka inuusan wali si cad ugu dhawaaqin inuu ka baxay Al-Shabaab,islamarkaana shacabka Soomaaliyeed cafis ka weydiisto dhibaatadii uu qeybta ka ahaa ee Shacabka loo geystay.

Madaxweynaha cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa warbaahinta u sheegay in ujeedka Muqdisho u soo gaaray ay tahay howlo shaqo.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA:-

You might also like More from author

Leave A Reply