Shacabka Muqdisho oo xoog ku furay waddo muhiim ah oo mudo xirneyd

0

Qaar ka mid ah Shacabka degan hareeraha Isgoyska Fagax ee degmada Yaaqshiid ayaa bilaabay dayactirka wado muddo xirnayd, kadib markii uu ka gaabiyay Maamulka gobolka Banaadir.

Maamulka gobolka Banaadir ayaanan tixgalin Cabashadda Shacabkaan Muddo bilooyin ah, waxaana dadka ay bilaabeen in ay Wadadaasi ay ka qaadaan qashin iyo biyo fadhiyay bilooyinkii ugu dambeeyay.

Dadka isxilqaamay ayaa ku dhaliilay Maamulka Eng: Yariisow waxqabad la’aan iyo inuu ku mashquulay siyaasad kale oo aanay dani ugu jirin Shacabka Gobolka Banaadir.

Sidaasi oo kale,waxaa jira waddooyin kale oo muhiim ah oo u xiran arrimo nadaafad daro kuwaasi oo hakiyay isku socodkii dadka iyo gaadiidka.

Wado
Wado

You might also like More from author

Leave A Reply