Wararkii ugu danbeeyay Al-Shabaab lagu duqeeyay Gobolka Hiiraan+(Faah faahin)

0

Wararka naga soo gaarayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inta u dhaxeyso deegaanada Boq-goosaar iyo Burdhe ee dhaca galbeedka magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan duqeyn lagula beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Wariyaha warbaahinta Qaranka ee Gobolka Hiiraan Ibraahim Maxamed ayaa soo sheegaya in duqeynta lala bartilmaameedsaday saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Boq-goosaar,waxaana la soo sheegayaa iney jiraan khasaaro ba’an oo la gaarsiiyay argagixisada Al-Shabaab.

Ciidamada Xoogga dalka oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa deegaano badan ka saaray Kooxda Al-Shabaab,kuwaasi oo hadda si dhuumaaleysi ah ugu nool dhulka howdka ah,waxaana socda qorshe maleeshiyadaasi looga xoreynayo guud ahaan dalka Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply