Qalalaasaha magaalada Jigjiga oo lagu eedeeyay iney ka danbeeyaan shabakad isku xiran oo ka haray taliskii Cabdi Iley

0

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka jiray dowlad deegaan Soomaalida Itoobiya qalalaase siyaasadeed iyo isku dhacyo mararka qaar ah.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Mustafe Cagjar ayaa sheegay in dhibaatada heysata ay tahay jiritaanka Shabakad isku xiran oo uu sheegay in ay ka hareen taliskii Madaxweynihii hore Cabadi Maxamuud Cumar.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Cagjar in shabakadaan rabshado ay ka wadaan Dowlad Deegaanka, isagoona xusay in ay qaar kamida Shacabka ku wareejiyaan ciidamada Federaalka iyagoo eedeymo dusha ka saarayo.

Madaxweyne Mustafe ayaa u sheegay Shacabka in Maamulkiisa uu arrintan si weyn kaga hortagayo, waxaana uu uga digay dadka arrintan sameynaya in ay ka waantoobaan, haddii kalana ay ka qaadan doonaan Tallaabo ku haboon.

Madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka ayaa ku jira xabsi ku yaalla Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaana jirta indhowr jeer Maxkamad lasoo taagay.

Waxaa loo heystaa ku tagki fal awoodeed, iyo laynta dad badan.

You might also like More from author

Leave A Reply