FIIRSO: RW Kheyre oo la sheekeysanaya shacabka degmo ka tirsan Banaadir ‘Dalab loo gudbiyay’

0

Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maalintii shalay markii ugu horeysay booqasho kedis ah ku tegay mid ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo boqollaal dadweynaha degmadaasi ku soo dhoweeyeen farxad iyo shucuur laab furnaan ah.

Booqashada Xasan Cali Kheyre ayaa lagu sheegay inay tahay sidii uu kulamo kala duwan ula qaadan lahaa dadka aan awoodin inay booqdaan xafiiskiisa, wuxuuna la sheekeystay qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan degmada Heliwaa ee uu booqday markii ugu horeysay, gaar ahaan odayaasha dhaqanka, dhallinyarada iyo haweenka degmadaasi.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa booqday xarumo dhowr ah oo ku yaala degmada Heliwaa, iyadoo xubnihii uu la kulmay siyaabo kala duwan ula sheekeysteen isla markaana ay u gudbiyeen dalab ku saabsan sidii degmadooda looga hirgelin lahaa adeegyada kala duwan ee ay u baahan yihiin.

You might also like More from author

Leave A Reply