SAWIRRO: Sidee madaxweyne Faraamjo loogu soo dhoweeyay magaalada Garoowe?

0

Boqolaal dad ah oo isugu soo xoomay barxada Garoowe halkaasi oo ay filayeen in madaxweyne Farmaajo uu kala hadli doono ayaa guryahooda isaga laabtay maadama Madaxweynaha uusan Barxada ku hadlin kuna dagan.

Waxaan soo dhoweynta madaxweyne Farmaajo isugu soo baxay dadweyn aad u fara badan,kuwaasi oo gudaha Garoonka iyo banaankiisa taagnaa.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa garoonka Garoowe uga sii hor maray diyaaradda sidday wafdiga madaxweyne Farmaajo.

Ciidamada baambeyda iyo dadweyne aad u fara badan ayaa sidoo kale soo dhaweeyay madaxweyne farmaajo oo intii uu xilka qabtay markii 2-aad tagay Garoowe.

You might also like More from author

Leave A Reply