Munaasabada caleema saarka madaxweyne Deni oo caawa ka socota magaalada Garowe

0

Munaasabadda caleema saarka madaxweynaha cusub ee Puntland Mudane Siciid Cabdullaah Deni ayaa ka socota magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland.

Waxaana hoolka loo diyaariyay in lagu qabto munaasabadaasi ku sugan madaxdii kala duwaneed ee lagu marti qaaday, Siyaasiyiin, Xildbibaano, Suxufiyiin iyo fanaaniin heeso madadaalo ah ka qaadaya halkaasi.

Waxaana caawa meel qura isku arkaya Madaxweyne Farmaajo iyo siyaasiyiin mucaarad ku ah dowladda oo uu ka mid yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, sidoo kale Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dowladda dhexe ee Soomaaliya aad u dhaliila ayaa ku sugan caawa hoolka lagu caleemasaarayo Madaxweyne Deni.

Waxaa lagu wadaa in dhamaan madaxda kala aragtida duwan ee munaasabadaasi martida ku ah ay khudbad halkaasi ka jeediyaan, waxaana ay munaasabada caleemasaarka ay soo idlaan doontaa wixii loo gaaro saqda dhexe caawa.

You might also like More from author

Leave A Reply