Xasan Sheikh Maxamuud,Xaaf & C/raxmaan C/shakuur oo gaaray magaalada Garowe

0

Madaxda kala duwan oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf iyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa gaaray magaalada Garowe ee xarunta Maamulka

Puntland.

Wafdiga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabada iyo horumarka ee UPD ayaa ka ambabaxay Magalada Muqdisho,halka Madaxweyne Xaaf iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ay ka yimaadeen Magaalda Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo qaar ka mid ah Madaxda kale ee Puntland ayaa mas’uuliyiintaas siweyn ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Magalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.

Jawiga Magalada Garoowe ayaa Maanta ka duwan sidii hore,waxana buux dhaafiyay madax kala duwan oo doonaya inay ka qeyb galaan Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. 

You might also like More from author

Leave A Reply