Xildhibaan Sakariye oo Qiyaano Qaran ku tilmaamay talaabadii lagu ansixiyay Xeerka Bangiga Dhexe

0

Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacbaka,isla markaana hadal ka jeedinayay kulanka Maanta ee Golaha ayaa siweyn uga soo horjeestay Xeerka Agaasinka Bankiga Dhexe oo baarlamaanka maanta ay ansixiyeen.

Waxa uu guddoomiyaha Golaha Shacabka ka dalbaday cadeynta in warqada Xeerka ku qoran yahay lasoo marsiiyay dhamaan Golaha Wasiirada,waxana uu walaac xoogan ka muujiyay xeerkaasi.

 “Waxaan walaac ka qabaa xeerka xildhibaanadu ay ansixiyeen,waxaa na daawanaya dad Aqoonyahano ah iyo kuwo aan matalno,asnsixinta xeerkaasina waa qiyaano Qaran ayuu yiri Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud.

Waxa uu Xildhibaanada Golaha Shacabka uga digay cawaaqib xumada ka dhalan karta xeerkaasi iyo meel marintiisa.

You might also like More from author

Leave A Reply