Xildhibaan Jeesow” Waxaad rabtaan in lagu shaqeeyo Qabiil,Waxaa loo dhiibaa Bangiga dhexe Gaal midka ugu Madow,”

0

Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dood kulul ka yeeshay u codeynta Xeer Maamul Xulidda Guddiga Agaasinka Bankiga Dhexe,oo Xukuumadda Soomaaliya usoo gudbisay.

Inta badan Xildhibaanadii kulanka ka hadlay ayaa kasoo horjeystay in la meelmariyo Sharciga,inkastoo qaar kamid ah ay Taageeree,ugu dambeyna la ansixiyay.

Dahar Amiin Jeesoow oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka ayaa sheegay in Bankiga Dhexe hada uu ku shaqeeyo waxa uu ku Sheegay Qabiil iyo 4.5,islamarkaana ay wanaagsan tahay in laga gudbo.

“Waxaad rabtaan in lagu shaqeeyo qabiil iyo waxaan haboonayn waxaana labadalayaa Xeerka Bankiga Dhexe,waxaa loo dhiibayaa Bakiga Dhexe Gaalka midka ugu Madow” ayuu yiri Daahir Amiin Jeesow

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, ayaa ka mid ahaa Xildhibaanada taageersan ansixinta xeerkan,wuxuuna saaxiibada dhigiisa ugu baaqay iney ogoladaan wax ka bedelka lagu sameynayo Xeerka Maamul ee Bangiga dhexe.

You might also like More from author

Leave A Reply