Guddoomiye Mursal oo beri ku wajahan Baydhabo & Ujeedkiisa rasmiga oo la ogaaday

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maainta berito ah ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Guddoomiye Maxamed Mursal iyo Wafdigiisa ayaa magaalada Baydhabo kaga qeyb galaya caleema saarka madaxweynaha cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo maalinta talaadada taariikhduna ku beegan tahay 16-ka bishan lagu qabanao magaalaaasi.

Guddiga loo saaray qaban qaabada cafladda caleema saarka ayaa dhowaan shaaciyay in 16-ka bishan xafladda la qabanayo,islamarkaana ay ka qeyb galayaan wafuud kala duwan oo gudaha iyo dibadda ka kala imaanaya.

You might also like More from author

Leave A Reply