Faah faahin laga helayo Qarax ka dhacay Muqdisho

0

Wararka naga soo gaarayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax xooggan uu maqribnimadii caawa ka dhacay Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ee aan heleyno  ayaa sheegaya in qaraxaani lala beegaday Maqaaxida The Village, oo dhowr mar oo hore shabaab qaraxyo la beegsadeen.

Lama oga khaaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaani, iyo nuuca uu yahay, waxaana durbadiiba goobta uu ka dhacay gaaray gaadiidka gurmadka deg dega oo halkaasi ka daad gureynaya dadkii ku waxyeeloobay.

You might also like More from author

Leave A Reply