Faah faahin: Khasaaraha ka dhashay Qarax caawa ka dhacay lala beegsaday Maqaayadda The Village

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Gaari loo adeegsaday oo caawa ka dhacay goob gaadiidka la dhigto oo ku taalo maqaayadda The Village ee magaalada Muqdisho.

Inta la ogyahay saddex qof ayaa ku dhaawacantay Qaaxa Qarax,waxaana Qaraxa ka dib goobta soo gaaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo dadka ku amray iney goobta ka fogaadaan.

Al-Shabaab ayaa horay dhowr jeer oo hore weeraray maqaayadda The Village,kaasi oo khasaaro ba’an oo isugu jirta naf,maal iyo bur bur ka soo gaartay.

You might also like More from author

Leave A Reply