DEG DEG: Xildhibaanada BFS oo ansixiyay wax ka bedelka xeerka Bangiga dhexe

0

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa meel mariyay xeerka Maamulka Bangiga Dhexe oo wax ka bedel lagu sameeyay, 158 Xildhibaan ayaa ogolaatay, halka 17 ay diiday,wax ka aamusay malahan.

Wax ka bedelka xeerka Bangiga Dhexe gaar ahaan lambarkiisa 130aad ayaa ka dhigan in Bangiga Dhexe uu madax ka noqon karo shaqsi ajnabi ah, kuna imaan doona xeer loo cuskanayo xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe, kaasoo ay in qof kasta oo ugu dhibco sareeya, karti ahaan, aqoon ahaan iyo hufnaan uu noqonayo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe.

Sidoo kale,Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankooda maanta ku ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay hindise sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka.

163-xildhibaan ayaa ogolaaday, waxaa diiday 13 xildhibaan, wax ka aamusay malahan.

You might also like More from author

Leave A Reply