XOG: Madaxda ugu sareysa Maamulka Hirshabeelle oo lagu eedeeyay iney dhaqaalo badan Lunsadeen

0

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle oo si hoose ula hadlay Shabakada Shaaciye.com ayaa u sheegay in madaxda ugu sareysa Maamulkaasi ay lunsadeen dhaqaalo fara badan oo isugu jiray mushaarka Xildhibaanada iyo wali lacago lagu

socodsiinayay howlaha muhiimka ee xafiisyada Dowladdaha hoose (running cost).

Xildhibaanada ayaa sheegay in mudo ka badan 5-bilood mushaar aysan qaadin,islamarkaana Madaxweynaha,ku-xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ay iska damaashaadayaan magaalada Muqdisho,islamarkaana dhaqaalihii Maamulka loogu talagalay lagu bixiyo waxyaabo munaasab ahayn sida Hotelo iyo Xaflado soo dhoweyn ah.

Xildhibaanada oo diiday in magacyadooda la shaaciyo sababo ammaan dartood ayaa sheegay iney wadaan qorshe ay mooshin kaga gudbinayaan saddexda mas’uul haddii aysan ka soo laaban qorshaha hadda ay wax hoggaaminayaan,islamarkaana dib ugu soo laaban caasimadda Hirshabeelle si loo dhammeystiro howlaha Maamulka Horyaala.

Waxaa dib u dhac ku yimid furida kalafadhiga Baarlamaanka Hirshabeelle oo lagu waday in 22-kii bishii la soo dhaafay la furo ee sanadkii tagay,waxaana Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle uu iska baashaalayaa magaalada Muqdisho,sida ay Xildhibaanada sheegeen.

Maamulka Hirshabeelle oo ah maamulkii ugu danbeeyay ee la dhiso ayaa ka bixi la’ muran iyo waliba is qab qabsi,taasi oo sababtay iney dib dhac ku yimaadaan howlihii shacabka ay ka sugayeen.

You might also like More from author

Leave A Reply