Walaac ka jira in shaqsi ajanabi ah gacanta loo geliyo Bangiga dhexe ee dalka

0

Qaar kamid ah xildhibaanada golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxa ay gebi ahaanba ka hor imaadeyn in nin ajnebi ah gudoomiye looga dhigo Bankiga dhexe ee Soomaaliya.

Warka ah in nin ajnebi ah uu jagadaasi qabanayo ayaa ah hadal heynta ugu badan ee dadka Soomaalida gaar ahaan siyaasiyiinta ay aadka u hadal hayaan, waxaana sidoo kale uu si aad ah ugu baahay baraha bulshada.

Ninka jagadaasi in uu buuxiyo ku guuleystay  ayaa la sheegaya in lagu magacaabo Nigel Roberts, waxaa uu u dhashay dalka UK, waxaa uu sanadkii 1981-dii ku biiray Bangiga Adduunka, waxaa uu ka shaqeynayay qaybta Dhaqaalaha Beeraha (Agricultural Economist).

Waxaa uu la taliye Bangiga adduunka uga noqday arrimaha Dhaqaalaha ee Soomaaliya, Myanmar, Falastiin, Lebonan.

Xildhibaan Axmed Macallim Fiqi oo qoraal kooban bartiisa Facebooka Soo dhigay ayaa wallaac ka muujiyay in shaqsi ajanabi ah gacanta loo geliyay Bangigii dalka,islamarkaana dowladda ay ku andacooto ineysan ogolaaneyn in fara gelin dibada ah lagu sameeyo Soomaaliya.

“Wadanka madax-banaanidiisa yaan la soo faragalin in afka laga yiraahdo laakin sharci dalka u degenaa in qof ajnabi ah dartiis loo bedelo hadda ka hor ma dhicin, wax isqabtana ma ahan hala kala daayo,”ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa waxa ay walaac ka muujinayaan in ninkaan loo dhiibo Bankiga dhexe ee Soomaaliya, waxa ayna khaarkood baraha bulshada soo dhigeen qoraalo ay ku dhaliilayaan go’aanka ninkaan loogu dhiibayo Bankiga dhexe ee Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply