Sheikh Kenyaawo oo booqday gabar 14jir oo dartiisa Muqdisho ugu dhaawacantay

0

Sheikh Kenyaawi ayaa xalay Cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ku booqday Gabar lagu magacaabo Malyuun oo 14-jir ah oo ku shalay ku dhaawacantay rasaas ay fureen Ciidamada xilli ay dooneysay iney ka qeyb gasho muxaadaro uu Wadaad

qaban rabay.

Sheikh Kenyaai ayaa inaanta yar Alle uga baryay inuu caafimaad deg deg ah siiyo,islamarkaana ka bogsiiyo dhaawaca soo gaaray.

Dhanka kale KENYAAWI ayaa yiri ” iima cuntamin caawa inaan seexdo anigoo og in gabarna dhaawac tahay”

Kumanaan dad ah ayaa shalay isugu soo baxay Muxaadarada Sheikh Kenyaawi oo lagu waday iney ka dhacdo Howlka Hotelka Sahal oo ku yaalo Terminalka Garoonka diyaaraaha,waxayna u baaqatay dadkii oo buux dhaafiyay oo si loo xakameeyo la garan wayay.

Ciidamada Dowladda ayaa rasaas ay fureen dhaawac ay ka soo gaartay dad gaaraya ilaa iyo saddex ruux,kuwaasi oo hadda xaaladooda caafimaad soo hagaageyso.

You might also like More from author

Leave A Reply