Kulankii Xildhibaanada Golaha shacabka ee maanta oo hal sabab darteed u baaqday

0

Kulanka Baarlamaanka ee maanta ay ku yeelan lahaayeen xarunta Golaha shacabka ayaa dib loo dhigay maalinta Isniinta oo ku beegan 14 bisha Janaayo.

Warar ayaa sheegaya in sababta dib loogu dhigay ay tahay cabsi laga muujiyay inuu kooram uu buuxsami waayo.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa wax ka bedelka sharciga Hanti dhowrka Guud iyo Xeerka Bangiga Dhexe oo la qorsheynayo in wax laga bedelo sharciga Bangigga ee dhigaya qofka qabanaya uusan Ajnabi aheyn, taas bedelkeed la ogolaado in qof Ajnabi ah loo magacaabo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kullamada soo socda ka dib la filayaa iney fasax galaan,waxaana hadda fasax galay Xildhibaanada Aqalka sare waxaana la xiray kalafadhigii afaraad.

You might also like More from author

Leave A Reply