Wararkii ugu danbeeyay Howlgal xooggan oo saakay ka socda magaalada Marka

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xalay magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ku dhexmaray Ururka Al-Shabaab iyo Ciiamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gacanta ku haayo magaaladaasi.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii ay Al Shabaab ka Soo weerareen magaalada hal jaho oo u dhow goobta ay ciidamada dowlada fariisinkoodu ka dhowyahay oo ku taala Xaafada Ruusisa.

Dagaal socday ku dhawaad hal saac ayaa ka dhacay, magaalada waxaana ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac sidda ay sheegeen qaar ka mid ah dadka ku sugan Magaalada Marka.

Maxamed Cismaan Yariisow Guddoomiyihii ee Magaalada Marka , hadana ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda ee ku sugan Marko ayaa sheegay in hadda Magaalada ay ka socdaan howlgallo lagu xaqiijinaayo Ammaanka.

Lama oga Khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalka, waxaana saraakiisha Ciidamada ay ku guuleysteen in ay dib u riixaan dagaalyahanadii weerarka soo qaaday.

You might also like More from author

Leave A Reply