Wafdi uu hoggaamiyano madaxweynaha cusub ee Maamulka K/galbeed oo gaaray Baraawe

0

Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa maanta gaaray magaalada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha hoose.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdi Qaadir Shariif Sheekhunaa Maye.

Amaanka ayaa aad loo adkeeyay , iyadoona wadooyinka lagu arkayo ciidamo aad u fara badan, kuwaasi oo xaqiijinaya Amaanka wadooyinka soo gala Magaaladaasi.

Waxaa uuna kulamo uu la qaadan doonaa Madaxda maamulka Degmada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Magaalada Baraawe ayaa waxay tahay xarunta rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo hadda si KMG ah ugu shaqeeya magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

You might also like More from author

Leave A Reply