Madaxweyne Lafta gareen oo ku wajahan Baraawe & Qorshaha uu damacsan yahay oo la ogaaday

0

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya C/Casiis Xasan Maxamed LaftaGareen ayaa maanta tagaya Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Lafta-Gareen ayaa Baraawe kula kulmaya Odayaasha dhaqanka iyo Dadweynaha magaalada,waxaana ay iska xog wareysanayaan sida Maamulka Koofur Galbeed suuragal ugu tahay inuu ugu wareego Baraawe.

Magaalada Baraawe waa caasimadda rasmiga ah ee Maamulka Koofur Galbeed ahase ahaatee waxaa ay Baydhaba ku doorteen Madaxweynihii 2aad ee uu Maamulkaas yeesho.

Safarka Lafta Gareen ee Baraawe waa kii 2aad oo uu meel ka baxsan Baydhaba ku tagayo tan iyo markii la doortay.

Safarkiisii ugu horreeyay waxaa uu ku tagay magaaalada Xuddur ee Xarunta Gobolka Bakool,halkaas oo uu kula kulmay waxgadka iyo maamulka Magaaladaas.

You might also like More from author

Leave A Reply