Madaxweyne Deni oo Somaliland uga digay iney sii joogto deegaanada Puntland

0

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Siciid Cabdullaahi Deni  ayaa sheegay, in uusan Puntland iyo somaliland ka dhaxeyn muran dhuleed, hase yeeshee Somaliland ku soo xadgudubtay dhul ay Puntland leedahay.

Waxaa uu sheegay in uu Somaliland uu kaga digaayo in ay sii joogto degaanada ay Puntland sheeganayso.

Madaxweynaha oo BBC-da wareysi gaar ah siiyay ayaa sheegay, in dhulka maqan ee Puntland aan wax gor-gortan lagala gelin dooni maamulka Somaliland,islamarkaana aan laga yeeli dooni xuduudka ay ku andacoonayan in ay Ingiriis ka dhaxleen

Dhinaca kale mudane Deni ayaa mar uu ka hadlayey arrimaha Federalaalka wuxuu sheegay, in uu ka shaqeyn doono sidii loo dhisi lahaa dowlad Federaalk ah oo sal adag,isagoo tilmaamay, in Dastuurka dalku iudan diidayn in la dhisto Gole iskaashi oo maamulladu yeeshan.

You might also like More from author

Leave A Reply