Faah faahin: Dab Xooggan oo ka kacay Suuqa Bakaaraha & dadaal lagu daminayo oo socda

0

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in Suuqa Ganacsiga ugu weyn Soomaaliya Bakaaraa uu caawa dab xooggan qabsaday,

Waxaa cirka qabsaday Qaac iyo olol laga arki karo meelo badan oo Muqdisho kamid ah waxaana sdioo kale la maqlayaa dhawaqa risaasta oo dhanka Bakaraha ka dhacayso, waxa ayna u badantahay in lagu kala eryayo dadka.

Dad ku dhaw suuqa Bakaaraha kana mid ah ganacsatada hantida kaga jirto suuqaasi aya inoo sheegay in qeybta Huudheyda iyo qeybta Maacuunta ay u badan tahay in dabkaasi uu ka kacay, lamana ogaan karo xaalada rasmiga ah ee caawa ka taagan Bakaaraha.

Ilaa iyo haatan lama oga khaasaraha rasmiga ah ee dabkaasi ka dhashay balse waxaa kusii socda Bakaaraha gaadiidka dab damiska.

You might also like More from author

Leave A Reply