Shirar Xasaasi ah oo ka socda Garowe & Deni oo lagag dhaadhicinayo inuu xiriir wanaagsan la yeesho DF

0

Wararka naga soo gaarayo magaalada Garowe ayaa sheegaya iney magaaladaasi ka socdaan shirar looga hadlay xaaladda guud iyo isbedelka Maamul ee Puntland ka dhacay.

Guddigii dowladda Soomaaliya ay u dirtay Magaalada Garowe ee Wasiiradda ahaa ayaa kulamo kala duwan leh Waxgaradka iyo Madaxweynaha cusub ee la doortay.

Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa sidoo kale la kulmay xalay Waxgaradka degaanada maamulka Puntland,kuwaasoo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Garowe.

Wafdiga isugu jira Wasiirada iyo Xildhibaanada Federaalka ayaa madaxweynaha cusub ee Puntland ka dhaadhicinaya sidii wada shaqeyn buuxda ula yeelan lahaa Dowladda dhexe.

You might also like More from author

Leave A Reply