Warbixin: Beesha Habaryoonis iyo hormuudnimada diinta

0

Waxaan fursad u helay in aan booqashada machadka Xaaxi kala qaybgalo wafdi ka socda Hay’ada Sunbul (Sh. Xasan Qorane, Sh. Maxamed Ibraahim iyo Sh. C/lahi Caqli). Wuxuu ahaa safar xiise iyo faa’iido badan ii leh oo aan ku soo bartay dad iyo dalba, afkaar fiicana aan ka helay. Waan ku faraxsanahay in aan madaxda Sunbul booqashadaas kala qaybgalo, waana uga mahadcelinayaa socdaalkaas ay noo abaabuleen.

Axmed Cabdisamad Kulamadii iyo wada tashiyadii xulka beesha Habaryoonis

Xulka beesha Habaryoonis oo deegaankeedu teedsanyahay inta u dhaxaysa xeebta badda cas ilaa dhulka hawdka ah ayaa isla gorfeeyey sidii loogu heli lahaa dadka iyo dalka baaxaddaas leh macallimiin Qur’aan iyo ducaad ku filan oo dhex degan; si looga boxo ciriiriga diimeed gaar ahaan tuulooyinka iyo dhulka miyiga ah ee ka fog xarumaha cilmiga.

Sababaha keenay in arrintaan loo dhaqaaqo

Dadkeena oo reer miyi u badan waxaa ku dhex faafaya daroogada (qaad, khamro & xashiis) iyo colaadaha qabiilka, waxayna u baahanyihiin in khatarahaas laga daweeyo.

Aqoonta diimeed iyo tan adduunyo oo labaduba aad ugu yar miyiga iyo tuulooyinka.

Dadka waaweyn ee magaalada soo galaya oo aan lahayn aasaas aqooneed oo ay magaalada kula qabsadaan Iyada oo ay adagtahay in macallimiin magaalooyinka laga kexeeyay ay dagaan miyiga iyo tuulooyinka Ujeeddooyinka laga leeyahay hirgalinta mashaariicdan waxbarasho In la soo saaro macallimiin iyo ducaad deegaanka u dhashay oo ku filan inay wax baraan dadkooda miyiga iyo tuulooyinka dagan.

In aqoonta la dajiyo miyiga iyo tuulooyinka, jahliga ku baahsana laga tirtiro; si looga qaybqaato hotumarinta bulshada iyo xallinta mashaakilka haysta oo qaadka iyo dagaaladu ugu waaweyn yihiin.

In dadka miyiga ka imaanaya ee magaalooyinka soo dagaya ay noqdaan dad leh aqoon iyo wacyi ay kula qabsan karaan nolosha magaalada.
Aasaaskii Jamciyada Sunbul

    Fakar badan iyo wadatashiyo ay yeesheen xilkaska beesha oo uu hormuud u ahaa Sh. Yuusuf Aadan Maxamed ayaa lugu guddoonsaday taariikhdu markay ahayd 05/01/2005 in la aasaaso Jamciyada Sunbul ee Samafalka oo xarunteedu tahay magaalada Hargeysa; si ay ugu dhaqdhaqaado daboolista baahida diimeed ee aynu ka soo hadalnay.

Aasaaskii machadka Xaaxi

Jamciyadda Sunbul waxay goosatay in la aasaaso xarun waxbarasho oo laga soo saaro macallimiinta Qur’aanka iyo ducaada miyiga iyo tuulooyinka, xaruntaas oo ay kharashkeeda bixinayso beesha Habaryoonis.

Intaa ka dib Jamciyadu waxay ka aasaasaytay magaalada Xaaxi oo 15 km u jirta magaalada Oodweyne xarun waxbarasho oo hadafkaas lugu xaqiijinayo.

Jamciyadu markay aragtay baaxadda dhulka iyo tirada dadka waxbarashada diimeed u baahan waxay go’aansatay in ay dadkaas wax u barto dhallinyaradooda; si marka ay wax bartaan deegaandoodii dib ugu noqdaan oo ay dadkooda wax u baraan.

Iyada oo siyaasadaas laga duulayo ayaa labaatanka ARDAA ee beeshu wax u qaybsato mid walba waxaa la siiyey tiro arday ah oo wax loo baro, ka dibna miyiga iyo tuulooyinka la dajiyo; si ay dadkooda Qur’aanka iyo culuumta diinta u baraan.

Dhinaca kale Jamciyada Sunbul waxay dusha u ridatay dhismaha machadka iyo inay kharashka lugu wadayo beesha ka soo uruuriso gude iyo dibadba.

Marxaladihii ay soo martay hirgalinta machadku

Machadku wuxuu soo maray afar marxaladood oo kala ah: marxalad uu fikrad ahaa, marxalad wacyigalin iyo abaabul, marxalad dhisme iyo marxalad furitaanka machadka.

Caqabadihii ka hor yimi Jamciyadda Sunbul

Goobta machadka laga hirgaliyey oo biya yari ka jirtey, waxaana lugu xalliyey in la qoday labo barkadood iyo haro weyn, taas oo fududaysay baahidii badnayd ee biyaha. Wali waxaa taagan baahida biyaha xilliyada abaaraha ah ee ay guraan barkadaha iyo harooyinku, taas oo lugu xallin karo in ceel riig ah loo qodo.

Culayska koronto la’aanta oo lugu xalliyey in machadka loo rakibay solar korontada dhaliya.

xarunta machadka oo ka fog magaalooyinka waaweyn, taas oo culays ku ah dadka booqanaya iyo geynta adeegyada machadku u baahan yahay, waxaana la rajeynayaa in saamaynta fogaantu yaraato markii machadka loo sameeyo beero raashinka iyo khudradu uga soo baxaan.

Abaarihii dalka ku habsaday oo saameyn weyn ku yeeshay dadkii masaariifta bixinayey, waxaana lagaga gudbay Ilaahay oo la talasaartay, madaxda Sunbul oo abaabul iyo heegan culus gashay iyo dadkii muxsiniinta ahaa oo iyaguna mitiday.

Qaybaha machadka & tirada ardayda dhigata

Machadka hadda waxaa dhigta ku dhawaad 300 arday, wuxuuna ka kooban yahay labo qaybood oo kala ah :

qaybta lugu diyaariyo macallimiinta iyo ducaada
iyo qeyb dugsi hoose/dhexe ah

Tirada ardayda ilaa hadda machadka ka qalinjabisey

Qeybta diyaarinta macallimiinta iyo ducaada waxaa ka qalinjabiyey shan dufcadood oo ka kooban 166 arday oo badankoodu ay ka hawlgaleen malcaamadaha iyo goobaha kale ee waxbarashada magaalooyinka, tuulooyinka iyo miyiga, qaar kalena waxay sii wateen waxbarashada ilaa heer jaamacadeed.

Qeybta dugsi hoose / dhexe waxaa ka qalinjabiyey lix dufcadood oo ka kooban 104 arday, kuwaas oo waxbarashadoodii sii watay.

Miisaaniyada ku baxda machadka

Machadkan oo muddo dheer soo shaqaynayey waxaa bil walba ku baxa lacag dhan $10.000, sanadkiina $120.000, taas oo ay ku deeqaan samafalayaal beesha u dhashay oo dal iyo dibadba jooga.

Baahiyaha machadka ee taagan In la uruuriyo lacag machadka loo maalgaliyo oo soo saari karta masaariiftiisa; si looga kaaftoomo wax uruurinta joogtada ah.

In dhismaha machadka deyr lugu wareejiyo.

In machadka ceel riig ah loo qodo; si mushkilada biyo yaraanta looga boxo gaar ahaan xilliyada abaaruhu dhacaan, waxna loogu beerto.

In machadka lugu kordhiyo qayb lugu barto xirfadaha (farsamada gacanta).

In machadka loo iibiyo cagafta beeraha; si loogu beero raashin iyo khudrad lagaga maarmo cunatada la soo gadayo iyo safarada loo galayo.

Faa’iidooyinka laga gaarey hirgalinta machadka Faa’iidooyinka ugu waaweyn ee laga gaarey hirgalinta machadkan waxaa ka mid ah:

Bulshada oo isku kalsooni heshay, kuna qanacday inay wax weyn qabsan karto hadday isku tashato oo awoodeeda isu geyso.

Deegaano iyo qabaa’il kale oo fikradan qaatay oo hirgaliyey. qabaa’il kale oo ardaydooda keensaday machadka Xaaxi; si ay wax ugu bartaan.

dhallinyaradii miyiga iyo tuulooyinka ku dayacnaa oo waxbarasho helay, ardaydii machadka ka baxday oo deegaanadii miyiga iyo tuulooyinka dib loogu celiyey ; si ay macallimiin iyo ducaad ugu noqdaan.

Dhallinyaro badan oo waxbarashadu dhaaftay oo ka faa’iidaystay machadkan, kana aflaxday.
Qiimeyn Mashruucaan waa mashruuc istiraatiiji ah oo wax weyn soo kordhiyey, wuxuuna mudan yahay in loo aqoonsado mashruuc ummadeed.

Waa mashruuc hormuud ah oo bulshada isku kalsooni galinaya, qabaa’ilka kalena ay ka shidaal qaadan karaan.

Mashruucaan wuxuu muujinayaa wajiga qurxoon ee qabiilku leeyahay iyo in dadkeenu qabiilka uga faa’iidaysan karaan sidii wanaagsanayd ee nabigeena صلى الله عليه وسلم iyo asxaabtiisu uga faa’iidaysan jireen oo kale.

Mashruucaan wuxuu ka turjumayaa amarkii Ilaahay ee ahaa “ وأنذر عشيرتك الأقربين “ qaraabadaada dhaw u dig (diinta gaarsii) “. Wuxuuna muujinayaa tol dhan oo u heelan faafinta iyo barista diinta, isuna kaashanaya.

Waxaa kale oo mashruucaan ina tusayaa ahmiyadda iskaashigu u leeyahay hanuuninta iyo horumarinta bulshada.

Mashruucaan wuxuu qayb weyn ka qaaadanayaa isbarashada, isku xirnaanta iyo iskaashiga tolka; waayo mashruucaan wuxuu shaqo isugu keenay dal iyo dibad, miyi iyo magaalo, rag iyo dumar, culimo iyo caamo iwm.

Mashruucaan wuxuu noqonayaa waqaf ajarkiisu u socdo dadkii abaabulay iyo dadkii wax ku bixiyey oo dhan.

Talooyin iyo dardaarano

Mashruucaan si loo joogteeyo waa in loo uruuriyo lacag badan oo loo maalgaliyo; si faa’iidada ka soo baxaysa machadka loogu socodsiiyo.

Si lacagtaas loo wada helo waa in tolka oo dhan ka qaybqaato ololaha lacag ururuurinta gaar ahaan dadka maalqabeenka ah, madaxda dowladda, shaqaalaha shirkadaha iyo hay’adaha, qurbajoogta, masaajida, dumarka, reer miyiga iwm.

In la tirakoobo magaalooyinka, tuulooyinka iyo miyiga beeshu degto; si meel walba loogu helo macallin iyo daaci deegaan ah, waana in macallinka la xooleeyo oo la dajiyo; si aanu uga tagin.

In Jamciyada Sunbul ka shaqayso sidii magaalooyinka waaweyn ee beeshu degto looga furi mac-had ama loo dajin lahaa Sheekh weyn oo macallimiinta iyo ducaada tuulooyinka iyo miyigu ay ula soo noqdaan masaa’ilka cilmiga ah ee ku adkaada.

In ardayda la baro xirfadaha macallinimada, daacinimada, garsoorka, dhaqanka dadka iyo suugaantooda, iyo xirfado ay ku shaqaysan karaan.

In buug laga qoro fikrada mashruucaan, lana gaarsiiyo qabaa’ilka oo dhan; si ay khibrada uga faa’iidaystaan.

In mashruuca loo uruuriyo lacag loo maalgaliyo; si aanu u joogsan.

In ardayda reer miyiga iyo reer tuulada ah ee qalinjabisey la dajiyo oo loogu guuriyo miyigii ama tuuladii ay ka yimaadeen.

Qabiilkii ama deegaankii doonaya in uu aasaaso mashruucaan oo kale waxaan usoo jeedinayaa in ay doortaan deegaan biyo leh, waxna laga beeri karo, isla markaasna u dhow magaalo weyn. Sidoo kale inay mashruuca u qabtaan dhul weyn oo hadhow loo aayo.
Gabagabadii waxaan ugu bishaaraynayaa beesha Habaryoonis & guud ahaan qabaa’ilka Soomaaliyeed in qabiilkii diinta qabsada, barta, ku dhaqma, ku baaqa oo difaaca Ilaahay koryeelayo, qoladii ka tagtana uu hoos u dhigayo. Nabigeenu wuxuu yiri:

“إن الله يرفع بهذا الكتاب أقواما ويضع به آخرين”

Waxaa Diyaariyay: Sheekh Axmed Cabdisamad

You might also like More from author

Leave A Reply