Baarlamaanka Puntland oo maanta dhageysanaya khudbadaha musharaxiinta madaxweynaha

0

Xildhibaanada Golaha Wakiilada maamulka Puntland ayaa maanta dhageysanaya Khudbaddaha ay jeedinayaan musharaxiinta xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Guddiga ayaa sheegay in ay diiwaan-geliyeen 21 murashax madaxweyne iyo 11 murashax madaxweyne ku xigeen,kuwaasoo buuxiyay shuruudaha ku cad habraaca doorashada ee Dastuurka loo cuskaday.

Maalinta berri ah ayaa lagu waddaa in magaalada Garowe ay ka dhacdo doorashadda Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Ammaanka guud ahaan magaalada Garowe ayaa si aad ah loo adkeeyay,iyadoo ciidamo dheeraad ah la geeyay xarunta doorashada ay ka dhaceyso.

You might also like More from author

Leave A Reply