XOG+CADEYN: Maxaa kale oo ay siday Diyaaradii loo diiday iney Garowe ka dejiso Wafdiga DF?

0

Wafdi isugu jiray wasiiro iyo hawl wadeenno Dowladda Federaalka Soomaaliya oo barqaddii maanta loo diiday inay u duulaan magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa dib ugu laabtay Muqdisho.

Mid ka mid ah Wariyeyaasha Soomaaliyeed oo baaritaan dheeraad ah ku sameeyay marka laga soo tago wafdiga diyaaradda siday ayaa wuxuu sheegay iney jireen boorsooyin suurta gal tahay iney ku jiraa Lacago Malaayiin dollar ah oo la doonayay iney loo adeegsado doorashada madaxweynaha Puntland.

suurta galnimada iney diyaaradda siday lacago malaayiin dollar ah oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dooneysay iney fara gelin ku sameyso doorashada Puntland.

DIYAARADDII LAGA DEJIYAY WASIIRADDII FEDERAALKA EE GAROOWE U SOCDAY MAXAY WADDAY?

Waxaa la i tusay diyaaraddii ay raaci lahaayeen oo markii loo diiday fasaxii ay Garowe ugu duuli lahayd rakaab shacab ah qaadanaysa.

Hawl wadeen Garoonka Aadan Cadde ka shaqeeya ayaa ii sheegay in wasiirrada oo qeybta VIP-da fadhiyay laga alsoo aruuriyey warqadihii ‘boarding pass’ maadaama saraakiisha Wasaaradda Ammaanka Puntland ay ku goodiyeen in haddii dayuuraddaasi Garowe u soo duusho ay Puntland rukhsadda kala laabaneyso shirkadda diyaaradda iska leh.

Hawl wadeen kale ayaa ii sheegay in labo wasiir oo wafdiga ka mid ahaa ay wadeen labo boorso oo markuu hawl wadeenka ii waramay uu qiyaasay ka cuslaa boorsooyinka caadiga ee dadka safra gacanta ku qaadataan.

“Lacag ayaa kujirtay boorsooyinka.” ayuu igu yiri hawl wadeenkaasi aan kula sheekeystay Garoonka Aadan Cadde dhexdiisa.

Xigasho: Wariye Abdalle Ahmed Muumin

You might also like More from author

Leave A Reply