Al-Shabaab oo ku goodiyay iney beegsan doonaan shaqaalaha QM ee Soomaaliya

Xarakadda Al-shaabab ayaa sheegtay in dagaalyahanadooda ay meel walba ku beegsan doonaan Shaqaalaha Qaramadda Midoobay ka socda iyo kuwa kale ee ka socda wadamada kale.

Afhayeenka dhanka Howlgalada Al-Shabaab  Shiikh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta shabaab ayaa sheegay in weerarkii Hoobiyayaasha ahaa ee Talaadii ay u qaadeen Xarunta Xalane uu ahaa fariin ku turjumaysa in Shabaab ay beegsan doonaan shaqaalaha Qaramadda Midoobay iyo kuwa kale ee ku sugan Muqdisho.

Waxa uu sheegay in weerarkaas uu khasaare Hantiyadeed gaarsiiyay shaqaalaha Qaramadda Midoobay ee ku shaqeeya Xarunta Xalane ee Magaaladda Muqdisho.