13-askari oo ka goosatay DF oo isku dhiibtay Al-Shabaab

0

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay in Ciidankooda ay isku dhiibeen 13 Askari oo ka tirsanaa Ciidanka dowladda Soomaaliya,kuwaasoo ku sugnaa degaanda maamulka Jubbaland.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa baahisay in Ciidanka Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamo ka tirsanaa Milatariga Soomaaliya, kuwaasoo ka howlgalayay Aaga degaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo.

Waxaa ay sheegeen in Askartaan ay wateen hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana hadda ka dib ay ka mid noqon doonaan Ciidamada Al-Shabaab ee la dagaallama Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa horay u sheegtay in Ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland ay isku dhiibeen, waxaana arintaasi ka hadlin maamulka Jubbaland.

Saraakiisha Wasaarada gaashaandhiga dowlada Soomaaliya kama hadlin in askartan ay ciidankooda ka tirsanaayeen iyo in kale.

You might also like More from author

Leave A Reply