Muran ka taagan nin dhaawac ah oo lagu dhammeystiray gudaha Cisbitaalka Keysaneey

0

Wararka ka imaanaya Isbitaal Keysaney oo ku yaalla Waqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagantahay xiisad,kadib markii gudaha Isbitaalka lagu dhex dilay nin dhaawac ahaan loo geeyay.

Dad ku sugan gudaha Isbitaalka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ninka la dilay uu ku soo dhaawacmay iska hor imaad dad deegaanka ah ku dhex maray Ceelka Cali-Geedi oo ku yaalla degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay in Ninka lagu dhex dilay qeybta saalada,kadib markii ay soo galeen koox hubaysan halkaasna uu ku geeriyooday,dhinaca kalana waxaa iska hor imaad kooban uu dhex maray Ilaalada Isbitaalka iyo Kooxdii dilka geysatay waxaana arrintaan loo badinayaa in ay la xiriirto aano qabiil.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa haatan gaaray Isbitaalka Keysaneey waxaana weli taagan Xiisadda ka dhalatay dilkaas,iyada oo dadka bukaanka iyo eheladii la joogayna ay sheegeen in ay ka argagaxeen dhacdadaan.

You might also like More from author

Leave A Reply