Kulan gaar ah oo Muqdisho ku dhex maray madaxda beesha Muddulood

0

Xildhibaanada iyo Sanators beesha Mudulood ku metela labada (2) gole ee DFS ayaa KULAN ay soo qaban- qaabiyeen wuxuu ka dhacey Doorbin Hotel ee magaalada Muqdisho, taariikhdu markey aheyd December 29, 2018.

Kulankaas waxaa ka soo qeyb galay Siyaasiin cug-caddaa ah, iyadoo qaarkoodna ay dalka ka soo qabtaan xilalka ugu sarreeya sida Madaxweynihii hore Md. Hassan Sh. Mohamud, Madaxweynihii hore Md. Ali Mahdi Mohamed, Ra’iisul Wasaarihii hore Nur Hassan Hussein (Nur Cadde), Duqii hore ee gobalka banaadir Ali Ugas Abdulle, Sanators, Xildhibaano, Xildhibaano hore, Duqii hore ee Muqdisho Sheikh Yusuf ( Madaale) Duqii hore ee Muqdisho Gen. Muungab, Duqii hore ee Muqdisho Adde Gabow, Aqoonyahanno, Ganacsato, Haween iyo shaqsiyaad bulshada dhex-deeda sumcad ku leh.

Ugu horreyntii waxaa kulanka ku furay Aayadaha Qur’aanka iyo soo dhoweyn Sanator Mohamed Amiin, Xildhibaan Abdulqaadir Ossoble Ali ayaa halkaas ka jeediyey xog-warranyo soo jiitay ka soo qeyb galayaashii kulankaas, sidoo kale Xildhibaanad Drs. Muna Hassan Shibis ayaa iyaduna halkaas ka jeedisay khudbad meelo badan taabaneysay, Sanator Xaaji Muuse Suudi Yalahow ayaa’asana kulankaas ka jeediyey khudbad loo wada ilka caddeeyey.

Waxaa xusid mudan in kulankaas lagu cambaareeyey shaqsiyaad ka soo jeeda beesha oo ku qaraabta magaca beesha balse aanan qadirin sida ay laga maar-maan u tahay dowlad loo wada siman yahay.

Ugu danbeyntii waxaa kulanka soo xirey Md. Hassan Sheikh Mohamoud asagoo ku baaqay deganaasho iyo kulamo danbe.

You might also like More from author

Leave A Reply