Sarkaal ka tirsan Xafiiska RW Kheyre oo lagu qarxiyay Muqdisho

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax gaari oo ka dhacay degmada Waabari gaar ahaan Waaxda 1 March.

Qaraxa ayaa ahaa Mid lagu xiray gaari Nooca raaxadda ah, waxaana ku dhaawacmay ruux la sheegay in uu watay gaariga qarxay.

Sida ay dad goobjoogayaal ah xaqiijiyeen gaariga qarxay waxaa la ahaa Agaasime qeybeed ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,kaasoo lagu Magacaabo Cismaan dheere.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana ay damiyeen gaariga qarxay oo gubanaayay.

You might also like More from author

Leave A Reply