GORFAYN-TA HILAADIN W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

0

GORFAYN-TA HILAADIN W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Fb Img 1545683489230

• Dhiganaha: HILAADIN.
• Qoraaga: Bashiir M. Xersi
• Bogagga: (164).
• Hormooyinka: (16 hormo). Hormo kasta waxay goonideeda u leedahay laaman ka unkamay oo aan ka hor imaaneyn.
• Muuqaal xaanshiyeedkiisu; caddaan hilhillaacaya “muuq bilan”.
• Jeldiga: Khafiif il-qabata leh, maarriin birbiraya. “dhalaal dhilan”
• Muhiimadda dhiganaha: buugga ujeeddadiisu waxay tahay dhilidda dhaqanka, “Bulsho iyo dhaqan.” waxan ka marnayn kobcin af.

Hilaadin waa dhigane dheeheed, dhabbaha u xaaraya “Odoros bulsho”, laguna saabxiray kas lagu baanay kasmo aqoonyahan.
Haddii intaas laga yimaado waxa dad badan ku wareeraan macnaha erayga HILAADIN, taasoo dadka qaar ku adag inay hore ka fahmaan erayga Hilaadin. Haddaba maxay tahay HILAADIN?

HILAADIN waa; oddorosid, raadin, goobid, farfiiqid, tilmaamid, saanin. Maxaa la saaniyay? “Bulsho qumman.” Maxaa loo HILAADIYEY? “Hilin toosan iyo hagid hal-aqoon”. Dhanka kale waa toosin walax qalloocday, sheegid walax dedan, bidhaamin walax laga booday, iyo bud-dhigid walax loo baahan yahay. Sidaa darteed warku wuxuu mudnaan ku yeeshaa shan arrin, kuwaa soo kala ah:

 Cidda sheegta.
 Cidda loo sheego.
 Goorta la sheego.
 Goobta lagu sheego.
 Habka loo sheego.

Haddaba ciddii sheegi lahayd waa qoraaga oo na soo gaarsiiyey garaad bilan. Ciddii loo sheegi lahaa waa annaga, goorta iyo goobtii uu ku habboonaana waan joognaa, habkii loo sharrixi lahaana Hilaadin ayaa kuu haaya.

Haddii aan biyaaminta erayga ka nimaado, bal aan ka eegno halka eraygu ka soo galo suugaanta Soomaaliyeed ee marjaca u ah afkeenna hooyo. Halabuurka suugaantuse booskee ayay geliyeen Hilaadin? Si aan u ogaanno miisaanka weerta Hilaadin aan kula wadaago dhowr suugaan oo eraygu kusoo arooray:

GEERAAR

Laashin; Ibraahim Cismaan Afrax (Ibraahim Nolosha) wuxuu ku bidhaamiyey sidaan:

• Calanyahow loo hoobtay
• Dad kalaan ku hureyne
• Muxuu geesi halyeeya
• Hanfigeeda adduunyo
• Harsi kaaga dhax waabay
• Oo HILAADIN ku faanay
• Haybtiyo magacaaga.

●●● ●●● ●●●

Jiifto/maanso/Hees

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” wuxuu ku tilmaamay heestaan facaweyn sidaan;

Heesta: Hooyo
Erayada: Hadraawi
Codka: Tubeec (AUN).

• Marka aad nin himilada
• Hilin toosan mariyoo
• Hir markii la gaaroba
• Ku labaad #HILAADSHOO
• Haga maatadiisoo
• La higsado dhashaa baa
• Hooyo lagu xasuustaa.

**** **** *
Heestani waxay ku jirtay riwaayaddii ”HADIMO” ee la sameeyey sanadkii 1966. Waxaa cododkooda halaasiga ah ku luuqeyn jiray Faadumo Axmad Dhimbil iyo Maxamed Nuur Giriig (AHN) heesta magaceeda waxaa la yiraa ”HIDDO” AMA ”HAGAR”

• “Nin hablaha dhammaantood
• Soo wada #HILAADSHOO
• Haasaawe kay tahay
• U hureen xaggoodoo
• Adna kuu han weynoo
• Waxaan ahay ku haybshee
• May hagar-baxdaa?.

• Halacoow guddoon
• Hadalkaad tiree
• Kuu hagar-baxee
• Anigana i hoo.”

**** **** ****
Heesta: Halkuu i la galay JACAYL Maxamad Mooge (AUN), waxay leedahay sida tan:

• Hohey arrin aad halleysay
• Habeen nacasnimo ku dhaafey
• Illeen hibashiyo ma waydid
• Naftaadu iney hal seegto.
… .. …
• Hankaygu yaraa nafteyda
• Halku ila galay jacaylku
• Bilaawahan daabka haystey
• Halbawlaha maysku gooyey
• Miyaan boqonteyda heeray
… .. …
• Jaceylki aan horseeday
• Markaan hilinkii ka leexday
• Hayaankii miyaa asqoobay
• #HILAADDI halkaan u guraay
• Haareerta miyaan ku dhaafey?

**** **** ****

Abwaan: Cabdiraxiim H. Galayr waxa uu ku tilmaamay sidaan;

• Hoggaamiye heedheh
• Haddii Baarlamaanku
• Codkooda hibaysan
• Habsami kugu doortay
• Hantidii qarankoo dhan
• Hormuudka u taagan
• Haddaad tahay maanta
• Hayaanka bilaabmay
• Horseedka la gaaray
• Hagaaji dhankaaga
• Hannaanka dalkaaga
• Halbeeg hadalkaaga
• Hubsiimana raaci
• Ha diidin wanaagga
• Ha qaadin tallaabo
• Hadhow lagu eedo
• Halkay hadda joogto!
• Horey u dhaqaaji
• Ka haabso ujeedka
• Habkuu qarankeennu
• Hirkaa iyo caadka
• Hubaal ku tegaayo
• #HILAADI dhankeeda.

Lama koobi karo erayga Hilaadin suugaanta laga tiriyey ee uu ku jiro oo hore iyo haddaanba ah, waxa na kuu caddaynaysa dhaladnimada afka.

Marka waa dhigane kooban misana ka qara weyn kun buug oo aadan ku daaleyn baal-geddintiisa bilicdasan lagu biyaamiyey. Waa dhigane ku baraya wacaal tegay (sooyaal) wadci jooga (sabayaal) iyo waaya dhimman (siiyaal).

Qoraagu waxa uu farfiiqayaa dhaqan qalloocaday, una baahan in laga haro, mar haddii uu yahay mid aan la socon karin waayaha adduun ee la gaaray iyo aayaha dambe ee la muuqsanayo. “Dhimaal dhaqan”. Dhanka kale wuxuu bidhaaminayaa, dhaqan toosan, oo kaa lidkiis ah, balse, u baahan turxaan bixin iyo toosin hagar la’aaneed. “Dhaqan dhowrasho”.

Qacda hore marka aad isha ku dhufato garbadka buugga, waxaa ku soo jiidanaya muuqiisa quruxda badan, midabka lagu aslay iyo raadka ku dul sawiran oo hilaadinta u ah aragtida qoraagu ku tilmaamayo hab dhaqankeenna bulsho. Jaldiga haddii aad kala rogto ee aad baalasha Hilaadin halacsatana waxa uu ku farayaa “Amar!” amarkii aad tiqiinnay ee askarta ama cidda kaa awoodda sarreysa ma ahan! Waa amar qoraagu ku leeyahay; (is noqo). Oo sideen isu noqdaa; ma anigaa jirjirroole ah “Geel uruglaaye”? Maya! Ma tihid ee qoraagu waxa uu ku leeyahay; “HAN YEELO” Haah! Hadda waan is fahannay aniga iyo adigu, qoraaga tilmaamtiisana waan garannay. Waa tii hadda ka hor aqoonyahan sammigey ah Xasan Mudane nagu yiri: (Nin han yari ma hana qaado). Haa waa runtiis, waayoo, qof aan han lehayn hooyadiina hurda kama kiciyo. HAN YEELO haddii lagu yiri maxaad u baahan tahay?

Waxaad u baahan tahay in laguu baytiyo waddadii aad ku dhigi lahayd hankaaga, isla jeerkaasna qoraagu wuxuu daaha kaaga rogayaa, tub haloosi ah, kugu na ridaysa goobta hankaagu u geeddiga yahay “Guryasamo” kaliyeeta waxa kaa xiga inaad dhiganaha HILAADIN dheehato, ka dibna naftaada jeedaaliso. Ma waxaad sugaysaa in wax walba kobtaad joogto kuugu yimaadaan? Taasu ma dhacayso.

Qoraagu wuxuu ku billaabayaa hanyeelashada aragtidan waayo’aragnimadiisa ah;

“Waxaan bartay in wax higsi walba u baahan yahay dedaal, dulqaad iyo dabajoog badan. “Dan aan dan loo baajin, dan ma ahan” ama aan iraahdo “Nin dan leh, ma daalo.” Han walba oo heddaada ka hugmaya, haddii aadan u hurin dhaqaale, ammin iyo naf, waa hubaal, in uusan hirgalayn, uuna ku dambaynayo hungo iyo haruub maran.”
Waa tii mahmaahdu ahayd: Ilaaheey seddax waa awoodyaa, mase yeelo:

• Ilaahow guursan maayee ubad i sii,
• Ilaahow shaqaysan maayee xoolo i sii,
• Ilaahow ku caabudi maayee Jannada i geey.

Waa kii abwaan Cabdiraxiin H. Galayr lahaa:

• Doqon baan xilkeed gudan
• Damiin baan aqoon baran
• Dugaag baan wax nabad gelin
• Duluf baanan heer noqon
• Dawdar baan dadnimiyo
• Weligiis dantiis dhugan!
• Haddii doobku guur gebo
• Doonan waayo gabadhiis
• Ma dadkaa u noqon ubad?

Nafta jeedaali waxa uu qoraagu kuu yiri, wax kale maahan e, “wax aan lagu dhibtoon lagu ma dheefsado” HIlaadinna tabtaas ayuu kuu hagayaa ee ha moogaan.
Mar kale asoo sii adkaynaya wuxuu ku leeyahay: “Guul aan dedaal badan iyo juhdi ka horreyn, la ma hanto. Guushu waxay ku xiran tahay, hadba, sida qofku u leeyahay han iyo hammi, una ah hiraal, uu doonayo hirgelinteeda. Taa waxay kaaga baahan tahay, in aadan hawl maanta kuu taal, berri dib ugu dhigin. Marka aad maalintaada maarayso ama meelayso, ayaad guul gaari kartaa. Haddeeri maalintaada, si aad hadhaw u maasho, waxtarka maalintaada. Waligaa, dib ha u dhigan, hawl ku hortaal, oo hagaajin kaa rabta. Dibudhigashadu, waa dilaaga kanshaha (fursadda); ammin aad hawlo ku qabsan leheed, ayay kaa dabartaa. Leeddadaadu (fasax), yeysan lurkaaga dib ka noqon. “Hawl aan ku hureyn horaa loo qabtaa”, “Sahaydaaduna waa dib, socodkaaguna waa dib” iyo “Ballan habeennimo, kaakac aruurnimo ayey leedahay” Ujeedka oraahahani waa, hawsha ku taalla qabo hadda “maanta”; waayo, “Berri waxa ay noqon doontaa -berrito maantadaa. Berridii la sugayey, ee berigan ah!” Waxaa jira dad yiraa “Berri waa maalin weyn!” Ma ahan, tu la rumeysan karo, waayo, hadday berri maalinweyn tahay, yey u weyn tahay? Hadday maalin weyn ay jirto, waa uun maalinta lagu sugan yahay. Berri, waa maalin sugasho ee ma ahan, maalin sugan.

“Berri waa maalin weyn!” haddaad hawsha kuu taal maanta, berri aad dib ugu dhigato, berri marka aad gaarto waxay noqon doontaa -waa berridii aad shalay sugaysaye- maanta aad joogtid, haddana, berrida ka sii dambayn doonto waxay iyana noqon doontaa maalintaada xigta maanta. Berri ma dhammaato.”
Haddii farfiiqiddaas dedaalka ku madkan laga yimaaado, waa dhigane ku su’aalaya wayddiin u baahan warcelin “laylis” markii hore waxa lagu faray “HAN YEELO” hadda waa su’aal fudud e, qoraagu wuxuu ku leeyahay: “GU’ MISE GARAAD?” jawaabtu waa mid adiga kuu gaar ah, waxaadse ka warcelin kartaa markaad ka hirqato, hoobaanta uu sido HILAADIN. Barbaariye Bashiir Ali Hussein waxa uu yiri:

“Inta aad dhabarka ka dhididi lahayd adigoo lixdan jir, hadda inta aad labaatan jirka tahay dhabanka ka dhidid”

Murtida barbaariyaha iyo wayddiinta qoraagu ba waxay bidhaaminayaan inaad wax dhigato, dheehato oo aad dhugato. Sidaa aawgeed Gu’ lagu ma heer gaaro, garaadku se waa lama huraan, ha ahaado mid ku yimaada kasbasho maan furan, ama mid Eebbe qaddaro e. Qofkii labada isku dartana waa “reyn la kor dhebay”.

Wuxuu buuggu nagu baraarujinayaa muhimadda ay leedahay kala duwanaashaha guud ahaan oo aysan suuragal ahayn, in is ku mid la noqdo, isku sina mar walba wax loo arko, isagoo kugu xiraya, in aan dhaliisha laga caroon oo wixii qof walba xilkeeda qaaday ay tahay in uu u gegsado wixii ka dhasha, siiba dhimaal marka ay tahay. Qof xil qaaday eed qaaday.

Wuxuu tilmaamayaa kaalinta halaqoonka ee maqan, wuxuuna leeyahay hoggaan wanaagsan maqnaasihiisa ayaa wax badan oo bulshada u hagaagi lahaa u maqan yihiin.
Wuxuu ku dulgaynaya kaalinta wadaaddada qaar, asoo warinaya kaftannadii bulshadeed iyo is xifaalayntii, wuxuuna ku darayaa in qalad dhacay aan qaddarta keliya lala hoosgelin ee masuuliyadda la saaro qofkii lahaa ayna tahay in uu qaado.

• AFEEF

Afeef hore lahaaw ama adkaysi dambo waa mahmaah gun dheer, horena loo yiri: anigu se waxaan leeyahay; “ogaal wacan lahaaw ama aqris badan” marka gorfeyntaydu ka ma dhigna, in dhiganuhu uusan dhaliil yeelan, ee waa qofba dhanka uu ka joogsado, anoon tixgelinsiin wixii cillad farsamo ama qalad daabacadeed ah. “dhugasho hubban.”

• Gunaanad

Dhiganaha Hilaadin, waxa uu mudan yahay in loo dhigo madallo tiro badan, si looga doodo dhaqan dhilidda bulsho ee uu gudbinayo. Waa hubaa haddii aad dheehato inaad ka dareen celin-doonto, garaadkaaguna furfurmi doono. Waxaan ku soo gunaanadayaa faalleynta Hilaadin maanso kooban oo aan ugu talogalay Gorfayn-ta HILAADIN, si guud na uga hadleysa farriinta dhiganuhu tebinayo, magaceeda waxa la yiraahdaa; “HILAADIN U DOONO”

Himilo ku hagaysa
Halbeeg qodobbaysan
Hirtii dhaqankeenna
Afkeenna horreeya
Higaad lagu muujay
Hilaadin u doono.

Adduunku hir weeye
Haloosan dusheenna
Hortayna hollaaban
Hammuunta la dayne
Wixii la hilmaamay
Hilaadin u doono.

Halyaaya dhinteene
Hibada dhaqankeenna
Kortood hambalyeeyay
Waxay hirgelsheen
Mah-maahyo habboon
Hal-hays oranaaya
Hubsiino ha eersan
Halbaa la gataaye
Haqiiqda dhigaalka
Hilaadin u doono.

W/Q: Xasan Cabdulle Calasow Shiribmaal

You might also like More from author

Leave A Reply