Digniin culus oo laga soo saaray qorshe Farmaajo iyo Kheyre la damacsan yihiin doorashada Puntland (Daawo)

0

Magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland waxaa ka socota diyaar garowgii ugu weynaa ee loogu jiro doorashada 8da bisha Janaayo 2019-ka ka dhaceysa Puntland, iyadoo musharaxiin fara badan isku taageen doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/xigeenka

Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo ka mid ahaa xildhibaanada baarlamaankii 9aad ee Dowladda Federaalka maalmahaanna ku sugan magaalada Garowe ayaa maanta shir jaraa’id oo uu qabtay waxa uu ka digay fara-gelin ay dowladda Federaalka Soomaaliya madaxdeeda sare ku hayaan doorashada madaxtinimada Puntland.

Ex. Xildhibaan Cabdi Barre ayaa sheegay in xukumadda Federaalka Soomaaliya ay ku fashilantay sugidda amniga magaalada Muqdisho,gaar ahaanna xaafadda wardhiigle ee ay ku taallo xarunta madaxtooyada Soomaaliya,islamaarkaana wuxu sheegay in dowladdu ay ku mashquulsantahay burburinta maamulada dalka ka dhisan ee Federaalka ah.

Sidoo kale Cabdi Barre ayaa sheegay in maalmaha soo socda Puntland ay ku soo wajahan yihiin siyaasiyiin laga so xawilay magaalada Muqdisho oo lo so diray in ay qalalaase ka abuuran doorashada Puntland,sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyntii, wuxuu shacabka Puntland ugu baaqay in ay ka digtoonadan fara-gelinta uu sheegay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku khal-khal gelinayso doorashada Puntland ee maalmaha yar ka harsan yihiin.

You might also like More from author

Leave A Reply