DFS oo bilaabeysa 2 sano kaddib qorshe si dhow lagula socanayo ajaanibta

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay bilaabeysa qorshe si dhow lagula socanayo ajaanibta dalka soo gasha, kaddib markii qalinka lagu duugay kulan dhex maray madaxda hay’adaha dowladda u qaabilsan socdaalka, arrimaha dibadda iyo khubarro ku xeel dheer arrimaha sharciga.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka qorsheynta, xubno ka socday arrimaha dibadda, Agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha.

Madaxda ka qeyb gashay shirkaasi ayaa Maareeyaha hay’adda Qaxootiga Qaranka ku soo dhoweeyay xarunta hay’adda, waxayna soo kormeereen qeybaha iyo xafiisyada uu ka kooban yahay.

xarunta Agaasimaha guud ee HSJ iyo ayaa saraakiisha la socotey waxay kulan la qaateen maareeyaha iyo howl-wadeenadiisa kale, waxaana laga wadahadley qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka kusoo laabanaya iyo qaxootiga ajnabiga ah ee dalka jooga ama soo galaya.

Kulankaan ayaa yimid kaddib markii dalka Soomaaliya caasimadiisa Muqdisho ku soo bateen muwaadiniin qaxooti ku ahaa dalalka caalamka, qaxooti ka tirsan dalalka Carabta sida Yemen iyo dalal Afrikaan ah.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo hay’adda Qaxootiga Qaranka ayaa ku heshiiyey hab-raaca diiwangelinta ajaanibta qaxootiga ku ah dalka, iyo sidoo kale hababka soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka dibadiisa.

Tallaabadaan ayaa ku soo beegmeysa xilli diyaaradaha caalamiga ah ay ku tartamayaan inay ka soo degaan garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho, iyadoo shirkadaha diyaaradaha Jabuuti, Turkiga, Qatar, Itoobiya iyo Kenya ay si rasmi ah u shaaciyeen in Muqdisho ay ku yimaadaan duulimaadyadoo caalamiga ah.

Jabriil Max’ud Nuur (Jabra)
saxafi37@gmail.com
Soomaaliya – Soomaaliya

You might also like More from author

Leave A Reply