XOG: Maxaa ka jira in Villa Soomaaliya Culeys siyaasadeed kala kulmeyso Sheikh Shariif?

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu Door kulahaa Mooshinkii laga keenay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Sheekh Shariif ayaa ka mid ah Shaqsiyaadka saameynta siyaasadeed ku leh Xiisadaha siyaasadeed ee Dalka balse aanan Banaanka isku soo bixin.

Xisbiga Himilo Qaran ee Todobaadkii lasoo dhaafay uu diiwan galiyay Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa waxaa Guddoomiye u ah Ex-Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Hadaba Xisbigaasi waxaa ka buuxa Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka waliba kuwooda ugu fog ee sida adag kaga soo horjeeda Dowlada uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay inuusan la dhacsaneyn siyaasadda ay Dalka ku maamulayaan Farmaajo iyo Kheyre isagoona dagaal hoose kula jira maadaama uu doonayo in Doorashada soo socota uu saameyn ku yeesho.

Ujeedka Sheekh Shariif ee Ololahan ka dhanka ah Farmaajo ayaa Ilo wareedyo aan helnay waxay noogu sheegeen in La saaxibida iyo kala qaadashada Xildhibaanada Golaha Shacabka la isku heysto Maadaama Madaxda Dowlada Federaalka ay heystaan Xildhibaanada ugu badan Baarlamaanka.

Villa Somalia ayaa cadaadis ka wajaheysa dhinacyo badan iyadoo lagula dagaalsan yahay Go’aano Masiiri ah oo ay ka qaadatay Xiisado Dalka ka dhacay iyo sidoo kale Xildhibaano Aruursi iyo Tabaabushadeeda Doorashada soo socota oo hada ay ku howlan yihiin.

Sheikh Shariif Sheekh Axmed ayaa kaalinta Sedexaad galay Doorashadii uu Madaxweyne Farmaajo ku Guuleystay Kursiga Madaxtinimada Dalka, waxaana la fahamsan yahay inuu wax ka bedelay ku lug lahaanshihiisa Soomaaliya oo Dowlada Xasan Sheekh la Ogaaday inuu faraha kala baxay arrimahaasi taasi oo dhaxal siisay in yimaado xilli Xildhibaanada la kala boobay balse hada wuxuu saameyn joogta ah ku leeyahay Xiisada iyo Xaalada kala duwan oo Dalka marayo.