Gaadiidka miyaaradaha Madow oo laga mamnuucay Baladweyne

Taliyaha Ciidamada Booliska Magaalada Balad Weyne Gaashaanle Dhaxe Maxamed Macoow ayaa awaamiir kala duwan kasoo saaray gaadiidka kala duwan ee isticmaala wadooyinka magaladaasi.

Waxa uu sheegay taliyaha  in aan magalada Balad Weyne lagu arki karin gaari ay miyaaradahiisa beensal yihiin cidii lagu arkaana ay u arkayaan ciidamada Booliska in ay ka qeyb qadanayaan amni daradda magaalada.

Waxa uu tibaaxay in beensalka loo ogolyahay oo kaliya gaadiidka ay wataan madaxda iyo shaqaalaha kale ee dowladda.

Sidokale waxa uu taliyaha ka mamnuucay magalada Balad weyne  Bajaajta daaha leh taas oo uu sheegay in ay lamid tahay beensalka.