C/wali Gaas oo Lagu Eedeeyay Inuu Adeegsanayo Awoodii Dawladda Dhexe

Musharax Madaxweyne Puntland C/samad Maxamed Gallan,ayaa eedeen u jeediyay Madaxweynaha waqtigiisu uu dhaamaday ee Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali (Gaas).

Gallan oo la hadlayay warbaahinta ayaa C/wali Gaas ku eedeeyay  inuu awood u adeegsanayo Musharixiinta Puntland, islamarkaana awooda uu adeeganayo ay tahay tii loogu talagalay Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Maamulka C/wali Gaas oo ka hor istaagay in soo dhaweyn loogu sameeyo barxadda Magaaladda Garoowe ee caasimadda Maamulka Puntland, halkaas oo taageerashiisa lagu kala racadeeyay.

Madaxweynaha Cusub ee Puntland ayaa la dooran doonaan bisha ugu horeysay ee sanadkaan,waxaana u taagan Musharixiin badan.