Al-Shabaab oo shaaciyay magaca & wuxuu qabanayay ruux xalay lagu dilay Muqdisho

War kasoo baxay Al shabaab ayaa lagu sheegtay masuuliyada dil xalay ka dhacay degmada Xamar Jajab ee Magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

“Ninkan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Qaadir Cabdi waxa uuna ka mid ahaa Ergadii sida gaarka wax uga soo dooratay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya kasoo Galay Baydhabo” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al shabaab.

Al shabaab ayaa marar badan gudaha magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobalada dalka, ku dilay odayaal kala duwan kuwaasi oo gabi ahaantooda ka mid ahaa Ergadii wax kasoo dhistay Baarlamaanka Soomaaliya. Sida lagu daabacay Warbaahintooda.

Wali kama hadlin laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya dilka xalay AL-Shabaab ka geysteen degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.