Xildhibaanadii Mooshinka Ka keenay Farmaajo oo soo saaray Shuruudo cusub

Qaar ka mid ah Xildhibaanadii Mooshinka ka keenay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee shalay ku dhawaaqay in ay kala laabteen Mooshinkaasi ayaa maanta soo saaray Shuruudo ku aadan waxyaabihii ay ku xireen in ay tanaasulaan.

Xildhibaanada ayaa soo saaray Qoraal ka kooban 9 qodob, waxaana qodobaadaasi ka mid ah in Madaxweynaha Soomaaliya uu raaligelin ka bixiyo dhiibistii Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

Qodobadda ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa Madaxweyne Farmaajo iyo Xukuumaddaba ay tixgaliyaan Madaxbaanida Golaha Shacabka.