Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilalka ka qaaday Gudoomiyaasha Degmooyinka Buuloburte iyo Jalalaqsi, waxa uuna Magacaabay Gudoomiyaal Cusub.
Labo Wareegto oo ka soo baxday Xafiiska Wasiirka ayaa si rasmi waxaa xilka Gudoomiyaha Degmada Buuloburte loogu Magacaabay Cabdicasiis Cabdullaahi Cabdi halka Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi loo Magacaabay Maxamed Nuur Cagajoof.
48382462 2182782691962204 6770449732310401024 N