Siyaasiyiinta K/Galbeed oo shacabka ku amray iney gacmaha ka laabtaan la shaqeynta madaxweynaha cusub

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Koonfur Galbeed oo ka hadlay doorashadii shalay ka dhacday Baydhabo ee uu ku soo baxay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa waxay ku tilmaameen mid aan ahayn xor iyo xalaal,balse ay gadaal ka riixeysay Dowladda Federaalka.

Waxay sheegeen in Xukuumadda Federaalka dhaqaalo badan gelisay doorashada,islamarkaana sidii uu ku soo bixi lahaa Lafta gareen dhiig badan uu ku daaday.

Siyaasiyiinta ayaa shacabka Koonfur Galbeed ayay ugu baaqeen ineysan si wanaagsan ula shaqeyn maamulka cusub gacmahana ka laabtaan.

Cabdicasiis Lafta gareen ayaa ka soo dhex baxay ilaa iyo afar shan musharax oo la tartameysay,wuxuuna helay 101 cod,taasi oo ka dhigtay madaxweynihii labaad ee uu yeesho Maamulka Koonfur Galbeed.