Shil gaari oo ku geeriyootay ku dhowaad 20-ruux oo goordhow ka dhacay…

Ugu yaraan 19 Qof ayaa ku geeriyootay, Lix kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaartay  shil Gaari oo ka dhacay degaanka Kapchorw, ee bariga dalka Uganda sida uu Wakaaladda wararka ee AFP u sheegay , Rogers Taitika oo ka tirsan Saraakiisha Booliska.

Gaarigan oo uu noociisu ahaa Bus, ayaa xilligaasi waday shaqaale ka tirsanaa hay’adaha aan Dowliga ahayn ee Maraykanka American NGO’s.

Shilkan ayaa loo aaneynayaa inuu sababay markii uu Gaarigu ka lumiyay Kantaroolka, isla markaan uu ka baxay Waddada, sida ay Boolisku sheegeen.